SHARE

Boqortooyada  Sacuudiga ayaa dib u soo celisay xoolo ka dhoofay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, waxaa xoolahaas laga raray dakadda Boosaaso Ganacsato kasoo jeeda Deegaanada Puntland ayaa lahaa xoolahaas .

Waxaa la sheegay in markabka magaciisa la yiraahdo Alafa Xoolaha uu sidayna ay gaarayeen 27000 Neef kuwaas oo ka dhoofay Magaalada Boosaaso.

Boqortooyada  Sacuudiga oo horay u xayiray  xoolaha  Soomaalida ayaa la sheegay inuu Xayiraadii ka qaaday xili dhaw waxayna xoolahan lasoo celiyay ka mid ahaayeen kuwii ugu horeeyey ee ku  dhoofa fasaxa ay dalkaasi ku ogolaadeen inay xoolaha Soomaalidu dalka Sacuudiga ay tagi karaan.

Xoolahan ayaa ahaa kuwo looga faa’iidaysanayey xiliga xajka oo xoolo badan lagu gowraco muwsimka Xajka , lama garanayo sababta ka danbaysa soo celintaan xoolaha .

Dowladda Sacuudiga wali kama aysan hadlin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dib u soo celinta xoolahan nool ee ganacsatada Somaliyed ay leeyihii.

LEAVE A REPLY