SHARE

Waxaan aad u eegay qudbadaha iyo hadalada reysul-wasaaraha Ethiopia Aby Ahmed waxaana iiga baxay inuu yahay shaqsi la aragti ah qowmiyadiisa Oromo, wuxuuna aragti ahaan leeyahay qadiyad uusan banaanka keenin lkn uu ku dabaqo mararka qaar hadal-siyaasadeedkiisa.

Marka ugu horaysa waxaa aad u dhibta inuu yiraahdo Soomaaliya, taas badelkeeda u fiirso hadaladiisa marka uu ka hadlayo Soomaaliya wuxuu isticmaala magacyada magaalooyinka, Sida Muqdisho, Hargeysa, Garowe, Baydhaba iyo kuwa la midka ah, wuxuuna u dhigaa hadalka sida inay Ethiopia la hadlayso wax ka sokeeya Soomaaliya.

Marka xigta, waxaad dhagaysataa hadalkiisii uu ka jeediyay xadhig jarkii Shidaalka laga helay dhulka Soomaalida, wuxuu quuri waayay inuu dhaho shidaalka waxaa laga helay dhulka Soomaalida, taas baselkeeda wuxuu isticmaalay shidaalka laga helay K/Bari Ethiopia, waxayna micno ahaan noqon kartaa in xitaa dhulka oromo laga helay ama ay dhulkaas gaar u lahayn Soomalida, waayo marka sidaa hadalka loo dhigo waxaa soo galaya qowmiyado badan oo ay ugu horayso qowmiaydiisa degan Oromia.

Hadalkiisii ugu danbeeyay isagoo ka hadlaya ismamulka Soomaalida ee Ethiopia, ayaa wuxuu muujinayaa sida in Soomaalidu ku tahay marti dhulkooda, ama aysan xaqba ku lahayn magaca dalka Ethiopia ee ay juqraafi ahaan Soonaalida ku leedahay dhulka 2aad ee igu balaadhan iyo qowmiyadda 3aad ee ugu badan.

Wuxuu isticmaalayaa erey ah Soomaali iyo Ethiopia, wuxuuna la hadlayaa dadka uu isagu ku maamulo inay yihiin Ethiopians ama Soomaalida Ethiopia, haddii dhan walba uu reysul wasaaruhu waxba u ogaleyn Soomaalida ay wada joogaan ama midda dhigiisa ah ee Soomaaliya, muxuu aragti ahaan ka duwanyahay qowmiyadiisa ku weeraraysa dadka Soomaaliyeed guryahoodii iyo dhulkoodii?.

Waxaase hubaal ah in jihada siyaaaadeed ee geeska Afrika ay ku sugantahay isbadel weyn oo leh jahwareer iyo riyaaq labaduba.

W/Q/ Mahir Jama Adan

LEAVE A REPLY