SHARE

Marka laga hadlayo awoodaha siyaasadeed iyo kuwa dowladnimo ee ka jira geeska Afrika, Ethiopia waxay noqonaysa dalka kowaad ee lagu tusmeeyo kaalimahaas, waa dal leh taariikho fog oo is xigay kuna saleysnaa nidaam xukun boqortooyo oo badi labo qowmiyadood oo kali ah gacanta ugu jiray, mid walbana waxay wakhtigeeda qaadatay ayadoo xukunkeeda kaga faa’iideysanaysa meelmarinta ahdaafteeda siyaasadeed iyo abuurista mabaa’dii sii xoojinaya jiritaanka xukunkeeda, sida qowmiyadaha Amhara iyo Tikre.

Guud ahaan Ethiopia waxaa ay sheegataa in dadkeedu yahay in ka badan 100 Milyan, oo kala haysta labo diimood oo kala ah Islam iyo Christian, sida ku cad daraasadda UN-ku ka sameeyeen dalkaas waxaa ku wada nool in ka badan 80 qowmiyadood, qowmiyadda ugu badan waa Oromo oo lagu qiyaasay 32%, waxaa xigta Amhara oo dad ahaan lagu sheegay 28%, kaalinta 3-aad ayaa lagu wada sheegaa Soomaalida iyo Tikre oo mid kastaba lagu qiyaaso 6.5% inuu ka yahay qiyaasta dadka Ethiopia, lakiin waxaa aad loogu badiyaa in qowmiyadda Soomaalidu kaga dad badan tahay dalkaas Ethiopia qowmiyadda Tikre, ( 7.1 Soomaalida iyo 6.1 Tikre), hayeeshee awoodihii galbaday ee Tikree ayaa marwalba Soomaalida hoos u dhigayay oo qowmiyadoodana geynayay kaalinta seddexaad.

Inta kale waxaa lagu sheegaa qowmiayadaha yaryar ee la isku biiriyo tiradooda, kuwaasoo xitaa dhul ahaan ka yar qowmiyadaha kale ee aan soo xusay.

Markii ay soo dhamaadeen awoodihii boqortooyo ee dalkaas ayaa waxaa xukunka la wareegay Milatari lagu hogaaminayay awood kali-talis ah sanadka markuu ahaa 1974-kii, wuxuuna dhan kasta u isticmaalay siyaasado maquunin iyo awood-sheegad ah, Soomaalidu waxay aheyd qowmiyadii uu sida ba’an u gumaaday xukunkaas oo ay hogaaminaysay qowmiayadda Amhara, laakiin 1987-kii markii la eryay ama xukunka laga tuuray Nidaamkii kali-taliska ahaa ayaa waxaa dalkaas la wareegay jabhado sal-dhigay nidaam federalism ah sanadkii 1994-kii.
Waxaa nidaamkaas lagu dabaqay dastuur cusub oo uu dalkaas yeeshay xiligaas, waxana loo qeybiyay 9- Maamul deegaan oo uu Dhulka Ogaden ama Soomaali galbeed uu qeyb ka yahay, waxay u arkayeen in nidaamkaas sahlayo in si fudud loo maamuli karo hogaaminta iyo siyaasadda qowmiyado kala duwan oo mid walba diin, dhaqan iyo deegaan gaar ah leh.

Markasta oo ay imanayeen isbadeladan wuxuu deegaanka Soomaalida ee Ethiopia uu ahaa kan ay haystaan dhibaatooyinka ugu adag uguna culus, dadkuna wuxuu ahaa kuwo wajaha ciqaabta ugu daran ee xukunadaas la soo maray, way jireen siyaasiyiin iyo ururo siyaasadeedba , laakiin midkoodna micno la taaban karo kama dhalin xiliyada kala guurka ahaa iyo macaamilka dowladda dhexe ee dalka Ethiopia, taasna waxay horseeday in laga aamino dadka Soomaalida ah kuwo aan xaq u lahayn inay u noolaadaan sida qowmiyadaha kale ee dhigooda ah ee ay dal wadaaga yihiin.

Doorashadii ugu horaysay ee ka dhacda dalka Ethiopia ayaa ku beegnayd 1995-kii oo ay qabteen xukunkii jabhadaha ee ay hogaaminayeen qowmiayada Tikre ama TPLF, doorashadas waxba kuma aysan lahayn Soomaalida waayo kumaba aysan jirin qeybihii isu arkayay inay xoraysteen dalka ee qeybsanayay talada guud ee wadanka, lakiin Soomaalidu waxay noqdeen kuwo lagu tiro-buuxiyay laguna balamay in lagu dirqiyo Itoobiyaanimada ayadoo looga faa’iideysanayo burburkii Soomaaliya.

Cadaadiskii siyaasadeed iyo tacadigii qowmiyadeed ee ugu sii adkaa aya soo bilowday xiliyadaas, waxaana marwalba loo soo marayay kala qeybsanaanta dadka Soomaalida ah ee Isku danta ah oo la iska tusayay muraayadda qabiilka si midba uu kan kale ugu noqdo caqabad ka dibna ayagoo raali ah hashoodii lagu hormaalo.

Dhamaan xukunadii dhexe ee soo maray dalkaas waxay ahaayeen kuwo siyaasad ahaan is takoora oo mid walba uu ku tilmaamo kan kale maamul xumo iyo caddaalad dari, waxaana ugu wacnaa loolanka qowmiyadeed ee dhalinayay marwalba is badelka siyaasadeed ee dalka, waxayse ka wada sinaayeen dhamaan in qowmiyadda Soomaalida la cadaadiyo lagana illaaliyo ka qeybgalka siyaasadda dalka, sidaa oo ay tahayna lagu dhaqo nidaam iyo dastuur aysan wax ka qeybgal ah gabi ahaanba ku lahayn.

Halkii ay si wada jir ah Soomaalidu u goobi lahaayeen xuquuqahooda qowmiyadeed ee ka wada maqan ayaa waxaa ay ahaadeen kuwo isku mashquula dhexdooda oo yeesha kali ah labo waji oo caado-siyaasadeed ka noqday deegaanka, sida mid xil cidlo ah ilaashanaya iyo mid usoo xeydanaya booskaa ay natiijadiisu tahay xadhig ama dil, taas waxay aheyd sababta ka dhigtay deegaanka in loogu yeero “ Duni aan laga Warheyn!”. Jabhadda ONLF waxay sameysay halgankii siyaasadeed ee ugu dheeraa laakiin waxaan jirin halgan siyaasadeed firfircoon oo garab socday halganka hubaysan!.

Xukunkii Tikreega markii uu ku daalay xasuuqii shacabka Soomaalida, lana fogaaday dagaalkii jabhadeed ee uu kala kulmayay deegaanka ayuu ka yaabay fashil siyaasadeed oo ka soo raaca deegaanka Soomaalida, maadaama uu dhaqaale iyo ciidan xoog leh kaga baxayay deegaanka howlgalka milatariga Federalka ah ee Deegaanka, waxayna saraakiishii xukunkii TPLF oo u hogaminayay reysulwasaarahii xiligaas Meles Zenawi la yimaadeen qorshe gumeysi oo ka xun koodii hore, waxay badaleen istiraatiijiyadda dhaqan gumaysi ayagoo ku fikiray inay yeeshaan gaashaan ay iska xijiyaan deegaanka Soomaalida, sidoo kalena u adeegsadaan fulinta danahooda.

A- Muhiimadda qorshahoodu muxuu ahaa?
B- Sidee ayay u fekereen Soomaalida?
C- Kacdoonkii Oromada maxaa ka quseeyay arimaha Soomaalida Degaanka?.
D- Madaxweynihii hore ee DSI CMC muxuu dhaxalsiiyay deegaanka?.

Su’aalahan iyo kuwo kale oo la mid ah waxaan uga jawabi doonaa qormada qeybteeda labaad Insha Allah.

FG: Ujeedada qormooyinkeygu kali ah waa inaan fahamno wacyiga iyo waxa la soo maray, uma arko muhiim inaan ukala sheekeeyo Soomaalida, laakiin waxaan ahmiyad siinayaa inaan si wada jir ah u tilmaamo.

Mahadsanidiin.
Mahir Jama Adam

LEAVE A REPLY