SHARE

Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya ayaa beenisay warar ay baahiyeen Warbaahinta qaar ee dalka Itoobiya oo lagu sheegay in guud ahaan la kala diraayo Ciidanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee loo yaqaan Liyuu Booliska.

Warkan markii ugu horreysay waxaa Baahiyay TV-ga ETV ee dalka Itoobiya, waxaana kadib aad loo geliyay baraha bulshada.

Wargeyska Addis Standard oo soo xiganaayo saraakiil sar sare oo ka tirsan Militariga Itoobiya ayaa sheegay in warkaasi been yahay markii horena laga qaatay ilo aan sax ahayn.

Saraakiisha Militariga Itoobiya ayaa sheegay in warkaas laga bad badiyay islamarkaana aanu ahayn war jira, Wargeyska Addis Standard ma sheegin magaca sarkaalka ay ka soo xigteen beeninta hadalkan.

Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa ka jira Ciidan lagu magacaabo Liyuu Boolis oo ah Ciidanka dowlad deegaanka, kaas oo tiradiisu gaareyso 45,000 oo Askari.

Taas beddelkeeda kulan shalay saraakiisha Liyuu Boolis iyo kuwa Federaalka dhex maray aya ala isku afgartay in Ciidamo isku dhaf ah oo labada dhinac ah ay sugaan amniga.

kulanka shalay ka dhacay Jigjiga Dowladda Federaalka ah waxaa ku matalayay taliyaha Ciidanka Itoobiye ee Taliska Koofur Bari Jeneraal Belay Seyoum, halka dhinaca Liyuu Boolis ay matalayeen saraakiisha ugu sarreysa.

LEAVE A REPLY