SHARE

Wargeyska Ethiopia Observer ee dalka Itoobiya ayaa qoray in lix qof oo Itoobiyaan ah lagu dilay dalka Jabuuti.

Dadka Itoobiyaanka ah ee ku nool Magaalada Jabuuti ayaa sheegay in lix xubnood oo iyaga ka mid ahaa la dilay, kuwo kalena la dhaawacay,halka Dukaamo ay la haayeen la boobay.

Qaar ka mid ah dadka Itoobiyaanka ah ee ku nool Jabuuti ayaa sheegay in ay ku sugan yihiin nolol cabsi leh islamarkaana dowladda Jabuuti ay kaliya cambaareysay waxa dhacay.

Wargeysku waxa uu sheegay in dilalka dadka Itoobiyaanka ah ee Jabuuti ay inta badan Habeenkii dhacaan Booliskana aysan faragelin, waxaa uu intaas raaciyay in weerarrada ka dhanka ah dadka Itoobiyaanka ah ay yihiin aargoosi.

Todobaadkii hore shan qof oo Jabuutiyaan ah ayaa lagu dilay magaalada Diridhaba, waxaana xigay in Dowladda Jabuuti ay dadkeeda diyaarado kula baxdo.

Inta badan Dadka Itoobiyaanka ah ee ku nool Jabuuti ayaa u badan Qowmiyadda Oromada oo hadda uu dagaal kala dhaxeeyo Soomaalida.

Oromada ayaa inta badan dad Soomaali ah ku leysay dhulka ay wadaagaan labada Bulsho, waxaana xigay dilal dad Itoobiyaan ah loogu gaystay Puntland iyo meelo kale oo ka mid ah dhulka Soomaalida.

LEAVE A REPLY