SHARE

Shirkadihii ku howlanaa soo saaridda shidaalka deegaanka Soomaalida ee Ethiopia ayaa shaqaalahooda kala baxay deegaanadii ay ka shaqeynayeen sida Allale iyo Kalu ama Jeexdin.

Waegeyska The Reporter ee ka soo baxa caasimadda Ethiopia ayaa maanta daabacay warbixintaan oo uu ku sheegay in gabi ahaanba shirkadda Polly-GCL iyo shirkadda kale ee ku lamaanan BGP ay shaqaalahoodii ku daadgureeyeen diyaarado gaar ah ayagoo qaarkood isugu geeyay Addis ababa, wargeyska ayaa sheegaya inay xiisadaha ka jira deegaankaas ay cabsi weyn ku dhalisay shirkadahaas oo saraakiil ka tirsan sheegeen in ay ku soo laabanayaan shaqadooda marka la xasiliyo deegaanka.

Wasiirka macdanta ee federalka Ethiopia iyo masuul kale oo u hadlay mid ka mid ah shirkadahaas ayaa beeniyay inay la baxeen shaqaalahooda waxayse ku sheegeen in lakala badalayo shaqaalaha, hayeeshee waxaan suuro gal aheyn in mar qura la daad gureeyo shaqaalaha lana baneeyo xeryaha shaqo oo aanay illaa hadda cid lagu badalay shaqaalihii la soo qaaday aanay jirin.

Deegaanka Shidaalka ee ay shaqada ka socotay kama dhicin wax dagaal ama rabshado ah, lama weerarin xarumaha ay waardoyeynayaan ciidan millatari ah oo xoog leh, lakiin waxay PollyGcl sheegtay in dad rayid ah ay qaateen gaari shirkaddu leedahay, halka ay wax ka dhacayaan waa jigjiga oo boqolaal KM u jirta ceelasha shidaalka, hadaba waa maxay cabsida soo rartay shirkadahan?, waa su’aal uu wargeysku ku dabaqay warbixintiisa.

hadaba ceelasha waxaa ka howlgashay shirkad mareykan ah sanadkii 1972. balse haatab shirkadda chinese ka ah waxay fulinaysa dhismaha dhuumaha qaada shidaalka oo la geeyay illaa xeebaha Djibouti, waxaana ku baxay billions dollar ah.

Mahir Jama Adam

LEAVE A REPLY