SHARE

Ciidamada Xoogga dalka Somaliya, ayaa lagu soo waramayaa inay ku qabteen deegaanka Calamada ee duleedka Magaalada Muqdisho, Shan nin oo Shabaab ka tirsan.

Shantaan nin ayaa la sheegay inay weerareen fariisin ciidamada Militariga halkaasi ku leeyihiin, waxaana halkaasi ku dhaawacmay nin ka mid ahaa raggii weerarka soo qaaday.

Saraakiil ka tirsan Taliska qaybta 12-ka April ee ciidanka Xoogga dalka Somaliya ayaa Wakaalada Wararka Somaliyed ee SONNA u sheegay in ciidamada ay ku guulaysteen soo qabashada Shantaan ruux oo mid ka mid uu dhaawacan yahay.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay ciidamada inay ku guuleysteen soo qabashada gaari ay wateen raggaan oo ay isaga dhigayeen dad safar ah sida ay sheegeen.

Ciidamada Xoogga dalka Somaliya ayaa Muqdisho u soo gudbiyay Shanta ruux ee Shabaabka ah, waxaana si toos ah loogu wareejiyay Taliska Ciidanka Xoogga dalka Somaliya.

Al Shabaab ayaa weeraro kala duwan ku qaada Saldhigyada iyo baraha ciidamada Xoogga dalka Somaliya iyo kuwa Amisom ay ku leeyihiin deeganada ku yaallo Gobolka Shabellaha hoose.

LEAVE A REPLY