SHARE

Ninkii waday Mooto Bajaajta ayaa ku dhintay halka askariga oo saarnaa mootada qaybta dambe dhaawac uu soo gaaray, kadib markii qarax bam gacmeed lagu weeraray.

Mootadan ayaa xilliga qaraxa lagu tuuraayay, waxa ay mareysay halka loo yaqaan Shaneemo Cabdi Waayeel oo ka tirsan Degmada Heliwaa, waxaana goobta ka baxsaday ninkii bambada tuuray.

Saraakiisha ciidamada dowladda waxa ay inoo sheegeen goobtaasi inuu ku geeriyooday ninkii waday mootada, iyadoo dhaawaca askariga halkaasi laga qaaday.

Ciidamada dowladda ayaa baaris ay halkaasi ka sameeyeen la sheegay dhawr qof oo tuhmanayaal ah inay gacanta ku soo dhigeen, kuwaasi oo Saldhiga Degmada Heliwaa dhankooda loo kaxeeyay.

Goobtan maanta barqadii bambada lagula tuuray askariga saarnaa Mooto Bajaajta, ayaa bilowgii Bishan waxaa qaraxyo is xigay lagula beegsaday kolonyo gaadiid oo ay wateen ciidamada Amisom.

Ciidankii badnaa ee joogay Degmada Heliwaa ayaa la xareeyay, taasi oo Shabaab fursad u siisay inay beegsadaan ciidamada fara ku tiriska ah ee halkaasi jooga.

LEAVE A REPLY