SHARE

Wariyaasha Soomaaliyeed, gaar ahaan xubnaha ururka #NUSOJ waxaan u sheegayaa in laga soo gudbay xiligii xuquuqahooda ay shaqsiyaad dibad-joog ah Hotelo ku qeybsan jireen, waxaana idin xaqiijinayaa in aanay jirin cid maanta is hortaagi karta shaqada aad noo wakiilateen iyo horrumarinta danaha Saxaafiyiinta Soomaaliyeed.

Lixdii billood ee ugu danbaysay waxaa ay rag isku dayayeen inay dacwado iyo buuq ku hakiyaan mashaariic aan uga faa’iideynay in ka badan 420 Wariye oo ka howlgala deeganada kala duwan ee dalka, hadana dacwado been abuur ah ma hakin doonaan shaqo dhab ah oo socota, waxaana filaynaa in 180 wariye ay ka faa’iideysan doonaan mashaariicda tababarada ah ee aan wajigii ugu horeeyay dhowan ka fulinay Muqdisho iyo Garowe.

Nusoj waa urur u taagan Magac wariyaal Soomaaliyeed, waxaana sharciyadiisa go’aamin kara hay’adaha garsoorka qaranka iyo dowladeena Soomaaliyeed, Kenya iyo Yurub maxkamado ku yaala oo laga furo dacwado la xidhiidha danaha wariyaasha Soomaaliyeed waa xad-gudub ka dhan ah jiritaankeena umadeed, qaran ahaan iyo Soomaalinimo, waana fal cadeynaya budhcadnimada loo bareeray ee lagu curyaaminayo xuquuqda wariyaasha Soomaaliyeed.

Waxaanse ku faraxsanahay in aanay saameyn yeelan dhamaan dacwadaha ururka looga furayay muddo 2 sano ah dibadaha iyo wadamada Afrika, waxaan u mahadcelinayaa ururada saxafadeed ee caalamiga ah iyo midowga yurub oo naga taageeraya mashruucyada muhiimka ah ee aan fulinayno 2018-2019 insha Allah.

EU, AU, UN, Safaaradda maraykanka iyo dhamaan Ururada saxaafadda Yurub, sida Vikes, Freepress iyo kuwo Afrika waxaan ku amaanayaa wada shaqeynta wanaagsan ee ay la leeyihiin xafiiska ururka Nusoj, iyo ka qeybgalkooda difaaca iyo horrumarinta Saxaafadda xorta ah ee Soomaaliya, wna sii xoojin doonaa wada shaqeynta Insha Allah.

ugu danbeyn, waxaan ku dhiiro gelinayaa wariyaasha Soomaaliyeed inay mid u ahaadaan difaaca xuquuqahooda iyo dhamaan kuwa insaaniga ah si dadkeenu ugu noolaadaan dalkooda oo nabad iyo cadaalad ku hormaray.

Mahadsanidiin
Mahir Jama Adam

LEAVE A REPLY