SHARE

Dad badan ayaa isweydiinaya Saldhigasho la,aanta kala duwan ee habka magacaabista xilalka Ciidanka, kadib markii dhawr mar isbedel lagu sameeyay Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan.

Dowladda Madaxweyne Farmaajo ayaa hoggaanka Talada dalka la wareegtay Bishii February 8 deedii 2017 l-kii markaasi oo doorasho dalka ka dhacday lagu doortay Madaxweynaha.

Wixii xilligaasi ka dambeeyay waxaa socotay magacaabis iyo Xil ka qaadis xargaha goosatay oo illaa hadda aanan Saldhigan.

Waa Taliyihii saddexaad oo loo magacaabo Ciidanka Xoogga dalka Somaliya tan iyo markii dowladda Madaxweyne Farmaajo talada dalka ay la wareegtay, iyadoo dhisan kaliya sanad iyo toban bilood.

Horay xilka Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka waxaa isaga casilay Jeneraal Jimcaale Cirfiid, kadibna waxaa magacaabis ku yimid Jeneraal Gorod oo isagana ugu dambeyn maanta xilka laga qaaday.

Saldhigasho la,aanta hoggaanka Militariga Somaliya waxa ay qayb ka tahay curyaaminta hawlgalada Ciidanka Xoogga dalka Somaliya ay ku jiraan, maadaama waqti ay qaadaneyso fahanka shaqada meesha ay mareyso Taliyaha cusub iyo Abaanduulihiisa oo labada shaqada la qabsi u baahan.

Dhanka Nabad Suggida Somaliya markii ugu horeysay waxaa Taliye Ku xigeenka NISA laga dhigay Fahad Yaasiin oo ahaa Agaasimihii Madaxtooyadda Somaliya sidoo kalena saaxiib dhaw la ah Madaxweyne Farmaajo, Fahad maalmahan wuxuu booqasho ku tagaayay baraha Ciidamada ay ka joogaan Magaalada Muqdisho, isaga oo u kuurgal ku sameynaayay habka Ciidanka ay ku shaqeeyaan.

Su,aasha taagan waxa ay tahay Fahad Yaasiin aqoon intee la eeg ayuu u leeyahay dhanka Sirdoonka, isaga oo ah shaqsi Mudane ah oo aan darajo Ciidan laheyn, sidoo kalena aanan la ogeyn aqoonta uu u leeyahay dhanka Sirdoonka iyo hab maamulkeeda.

Inkastoo hadda Nabad Suggida Somaliya xoogeeda loo bedelay habka Sirdoonka iyo Keenista xogaha xuuraanka la xiriira, haddana dad badan ayaa qaba aragtida ah in shaqadan aanan loo dhiibin dadkii mudnaa in loo dhiibo.

Booliska Somaliya oo hadda haysta awooda ugu badan ee Ciidanka, maadaama loo ogolaaday inay yihiin Ciidanka kaliya ee ka hawlgali kara Magaalada Muqdisho, markii ugu horeysay waxaa Taliye Ku xigeen looga dhigay qof dumar ah oo lagu magacaabo Zakia Xuseen Axmed oo markii hore darajo Ciidan haysatay Gaashaanle Sare, balse hadda loo dalacsiiyay Sareeyo Guuto.

S/Guuto Siciid Axmed Kadiye ayaa isagana loo magacaabay Taliye K/Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ma kala cadda labadan xil koowaad iyo labaad ku xigeenada waxa ay kala yihiin, balse tani waxa ay qayb ka tahay isku dhacyada dhanka awoodaha isla siman ee xilliyada qaar soo baxa, maadaama digreetada aanan lagu kala cadeyn.

G/Sare Xasan Nuur Col-ujoog ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Badda, dowladda ahmiyad badan ma siiso Ciidamada badda Somaliya, waana sababta ay u muuqan laā€¯yihiin oo horumaro kala duwan u gaari la, yihiin.

Aamina Siciid Cali, ayaa waxaa loo magacaabay Agaasimaha Madaxtooyadda Villa Somaliya, waxa ay horay u ahaan jirtay Agaasime ku xigeenka dhanka Maamulka iyo Maaliyadda Villa Somaliya, waa haweenay hawlkar ah una wanaagsan shaqaalaha Madaxtooyadda, dad badan ayaa kuu sheegaya in haweenaydaan wax badan ay ka bedeli karto hanaanka shaqada Madaxtooyadda Somaliya.

Xeeldheerayaasha dhanka Ciidamada waxa ay soo jeedinayaan in marka hore aanan lagu deg degin magacaabista, haddii ay dhacdana loo dhaafo shaqada dadka fahamka galiyay, halkii loo door bidi lahaa shaqsiyaad cusub oo waqti qaadanaya fahankooda in saaxadda ay soo galaan.

W/Diyaariyay
Faysal Hanad.

LEAVE A REPLY