SHARE

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku riday askari ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka, kaasoo fal dil ah ka geystay magaalada Beledweyne.

Askariga dilka toogashada lagu xukumay ayaa lagu magacaabaa C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow), waxaana lagu soo eedeeyay in bishii February ee sanadkan uu dilay  Marxuum la oran jiray Xasan Abshir Warsame.

Ninkan ayaa laga qabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii uu ka soo baxsaday Beledweyn, waxaana bishii July ee sanadkan isku dayay inuu iska diiwaan geliyo Dugsiga Tababarka Booliska ee Jen. Kaahite, isagoo ku dadaalayay inuu magaciisa bedelo, si uu ugu biiro Ciidamada Booliska.

Hase ahaatee Ciidamada oo hayay xogta C/raxmaan yariisow ayaa gacanta ku dhigay, iyagoo ku wareejiyay xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida.

Ninkan ayaa la horkeenay Maxkamadda Ciidamada qalabka sida, waxaana dhageysiga dacwadiisa oo socotay maalmo uu ka sheegay in aanu si ula kac ah ugu dhifan rasaasta marxuumka dhintay, hase yeeshee Garsoorayaasha Maxkamadda ayaa sheegay in markii uu ninka dilayay aanu wax gargaar ah u fidin, isla markaana uu ka soo baxsaday goobta dilka, waxaana Garsoorayaasha dalbadeen in lagu xukumo ciqaabta uu mudan yahay.

Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa ku xukuntay dil toogasho ah, sida uu warbaahinta u sheegay G/dhexe Xasan C/raxmaan Aadan Waabiyo oo ka mid ah Garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida.

LEAVE A REPLY