SHARE

Xoogag hubeysan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa xalay weerar qorsheysnaa waxa ay ku qaadeen Hotel ku yaalla degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

War Shabaab ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen hotelkan ay weerareen inay deganaayeen masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada iyo saraakiil ciidan.

Dadka deegaanka ayaa mar qurka ka war helay raasas xooggan oo ku dhaceysa Hotelkan, islamarkaana mudo daqiiqado ah halkaasi labada dhinac uu ku dhexmaray dagaal kooban.

Ilaa hadda si dhab ah looma khasaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan Shabaab ay ku qaadeen Hotelka ku yaalla magaalada Baraawe.

Masuuliyiinta degmada iyo Saraakiisha ciidamada oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay inoo sheegeen inuu jiro weerarka, islamarkaana aanay jirin khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo dhankooda soo gaaray,

Ciidamada dowladda federaalka ayaa waxa ay saakay hawlgal culus ka wadaan aagga uu weerarka ka dhacay, waxayna ku daba jiraan Mintidiiinta Shabaab ee weerarka geystay.

LEAVE A REPLY