SHARE

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Turkiga u jeediyay digniin kale oo ku wajahan xirtaanka Andre buson oo ah baadari Mareykan ah.

Trump ayaa Twitter-ka ku soo qoray in Mareykanka uusan waxba ku dhiibeynin sii deynta waxa uu ugu yeeray nin daacad ah, balse wuxuu intaas ku daray in Turkiga ay ka aarsan doonaan.

Recep Tayyip Erdogan Madaxweynaha Turkiga ayaa maalmo kahor wacad ku maray inuu dhagaha ka fureysanayo handadaadda uga imaanaysa Mareykanka ee ku saasban xariga baadari ameerikaan ah oo Turkigu u haysto eedo la xiriira argagixisanimo.

Madaxweyne Erdogan ayaa sidoo kale Mareykanka uga digay in Turkigu uu diyaar u yahay in uusan ku ganacsan wax Dollar ah, arrintan ayaa timid kaddib markii madaxweyne Trump uu laba jibaaray canshuurta la saarayo birta iyo naxaasta Turkiga uu u dhoofiyo Mareykanka.

LEAVE A REPLY