SHARE

Madaxweynaha ismaamulka Deegaanka Tigre ee dalka Ethiopia Mr Gabre Micheal ayaa sheegay inuu burburay nidaamkii Federalka ee dalkaasi ku dhisnaa, wuxuna hadalkaan ka yiri shir jaraa’id oo ay su’aalo dhowr ah ku weydiinayeen Saxaafadda Ethiopia.

Gabre Micheal ayaa sheegay in beegsiga jinsiyadda Tigre ay tahay midda keentay in shacabka isugu soo baxo wadooyinka, wuxuuna raaciyay hadalkiisa “in Ethiopia ay nidaam ahaan sii lumayso marka la eego dhibaatooyinka nacaybka ku qotoma ee lagu hayo Deegaankeena (Tigre) iyo deegaanka Soomaalida oo ay u muuqataba in dowladda Federalka ay sii dhiiro gelinayso arimahaas”.

Gabre Micheal waxaa uu jahwareer ku sheegay in nidaamka cusub ee dalka Ethiopia uu la yimid siyaasad ku dhisan isnacayb qowmiyadaha lagu beeray, sidoo kale wuxuu sheegay in Hogaanka Aby Ahmed uu wax kama jiraan ka dhigay 27 sano horrumarkii iyo dowladnimadii ay soo illaashanayeen dadka Ethiopia.

“Ethiopia waxay sii luminaysaa jiritaanka Nidaamkii Federaalka iyo sareyntii sharciga, waana sababta looga soo bilaabay beegsiga TPLF, lkn waxay aheyd in difaaca sharciga lagu ixtiraamo shucuubta dalka mana dhicin sidaas” waxaa sidaa yiri Mr Gabre Micheal oo ah madaxweynaha gobolka Tikre ee Ethiopia.

Waxaa Af Somali u badalay Mahir Jama Adam

Isagoo iEnglish ah halkan ku dhufo

LEAVE A REPLY