SHARE

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose, ciidamada xoogga dalka ayaa duleedka degmada Qoryooley waxa ay ku dileen saraakiil ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Sarakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa waxa ay sheegeen in ay hawlgal gaar ah ku dileen Saddex sarkaal oo ka tirsanaa Mintidiinta Ururka Al Shabaab, sidoo kalena gacanta lagu dhigay dagaalamayaal kale oo ka tirsan Shabaab.

Waxay kaloo saraakiishu sheegeen inta uu hawlgalka socday inay burburiyeen saldhigyo ay lahaayeen Shabaab, islamarkaana ay gacanta ku dhigeen gaadiid dagaal.

Al Shabaab weli kama aanay hadlin warka ka soo yeeray saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee sheegaya in ay dileen xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Ciidamada xoogga dalka ayaa mudooyinkii dambe waxa ay kordhiyeen dagaalada ay ka wadaan duleedka degmada Qoryooley, kadib markii halkaasi ay gabaad ka dhigteen xubno ka tirsan Shabaab.

LEAVE A REPLY