SHARE

Dhawaan ayaa Madaxda Maamul Gobaledyada waxaa ay ku dhawaaqeen in ay gabi ahaanba xiriirkii u jareen Dowladda Dhaxe ee Somalia ,laakiin maalmo kadib hogaamiyaha Maamulka Hirshabelle ayaa qaatay go’aan u muuqday in uu isbadal ku yimid hishiiskii uu markii hore la soo galay Madaxda Maamul Gobaledyada.

Inkastoo ay arrintan dad ka qaar ay ku tilmaameen in uu Hogaamiye Waare uu sameeyay Ballan kabax ku aadan hishiiskii uu Raaliga ka ahaa ee uu la soo galay Madaxda Maamul Gobaledyada Dalka,taas oo keentay Isbadal Siyaasadeed.

Su’aalo badan ayaa la’isweydiin karaa oo ay kamid yihiin Sababta keentay in uu hogaamiye waare uu noqdo laba wajiile ,laakiin Su’aashaas Jawaabteeda waxaan ku soo koobeynaa ,Waare waxa uu Ballanta ugu baxay waxaa  ay tahay in Waare si Shaqsiyadeed loo qanciyay taas oo uu fahmi karo qof walba oo dhageystay Hadalkii Waare oo u muuqday in Xitaa lagu qasbay in ka hadlo go’aankiisa ,islamarkaana uu Shaaciyo in uu la heshiiyay Madaxda Dowladda Dhaxe Somalia.

Shacabka reer hirshabelle oo noqday Shacabkii ugu nasiibka xumaa marka loo eego hanashada Maamul ,kadib Markii xildhibaanada Hirshabelle ay Hogaamiye u doorteen Maxamed Cabdi Waare oo ah Nin aan Siyaasadiisa fadhin islamarkaana Maslaxadda Shacabka hirshabelle ugu tanaasulaayo dantiisa Shaqsiyadeed.

LEAVE A REPLY