SHARE

Dagaalka ka socoda Dalka Liibiya ee u dhaxeeyay Maleeshiyaadka iyo Dowladda Dalka Liibiya ayaa lagu soo waramayaa in uu Sabab u noqday Dhimasha 96 tan iyo 26 kii Agoosto ,waxaana la soo Sheegayaa in dhamashadaas ay qeyb ka yihiin dad rayid ah .

Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Liibiya War ay soo saartay Shalay oo Jimca aheyd ayaa lagu Sheegay in 11 qof ay geeriyoodeen oo shank amid ah ay yihiin dad Shacabka ah kadib Dagaal ka dhacay Dalkaas oo u dhaxeeyay Malleshiyada ka dagaalanta gudaha Wadanka Liibiya iyo sidoo kale Dowladda ay taageerto Jimciyadda qurumaha ka dhaxeysa.

Waxaana la sheegayaa in wali ay is hor fadhiyaan Malleshiyaadka iyo Ciidamada Dowladda Liibiya Laba Magaalo oo isku dhow.

Qof deggan ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee DPA in qoysaska qaarkood ay ku xanibanyihiin  guryahooda sababo la xiriira Dagaalka u dhaxeeya Labada dhinac ee wali ka soconaya gudaha Wadanka Liibiya halka qaar koodna ay diideen in ay ka baxaan guryahooda waxaana ay ka cabsi qabaan in uu saameeyo Dagaalka xooggan ee wali ka taagan qeybi badan oo kamid ah Dalka Liibiya gaar ahaan Caasimadda Wadaankaas.

Mohamed Cabdul wahaab oo Telefishanka Al Jazeera ugu soo waramaya Magaalada Trepoli ee Dalka Liibiya  ayaa Sheegay in Saameynta ugu xooggan ee Dagaalkan uu ka soo gaaray dad ka Shacabka ah ,waxaana wali taagan Cabsi iyo Wal wal ay muujinayaan dad ka Deegaanka.

Hay’adaha gargaarka ayaa wali isku dayay in ay gar gaargaarsiiyaan dad ka Rayidka ah ee lagu dul dagaalamayo,waxaana Saraakiisha hay’adaha ay Sheegeen in ay adagtahay in gargaar lagaarsiiyo qoysaska kunool meelaha ka agdhow halka uu Dagaalka ka socodo.

Dagaalkan ka socoda Dalka Liibiya ayaa saameyn ku yeeshay dhowr Magaalo oo ku yaala Dalka Liibiya iyo Sidoo kale Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Tripole ee Dalka Liibiya.

Qaramada midoobay ayaa kal hore bilowday in ay dhexgasho kooxaha ku dagaalama Dalka Liibiya kuwaas  oo kala ah Dowladda Liibiya iyo Sidoo kale Malleshiyaadka hubeysan ee Dagaalka kula jira Dowladda Liibiya ,laakiin wali si rasmi ah looma gaarin Hishiis Nabadeed oo ka dhaca Dalka Liibiya.

LEAVE A REPLY