SHARE

Ninkan ayaa lagu eedeeyay in uu isku dayay dil kadib markii uu gaarigiisa si xowli ah ugu dhexkaxeeyay Goob lagu caweeyo oo ay dadku isku maaweeliyaan Sida ay Shegeen Booliska,waxaana sidoo kale la tilmaamay in uu Ninkan ahaa mid sarqaansan.

Muuqaa ay duubtay kaamiradda qarsoon ee CCTV ayaa waxaa ay soo gudbineysaa dhado xanuun leh oo uu sameeyay Maxamed Cabdulaahi oo la sheegay in uu jiro da’da 21 Sano jir,waxaana arrintan ay dhacday Bishii Maarso ee aan ka soo gudubnay .

Ninkan Asalkiisu uu Somali yahay ayaawaxaa la sheegay in uu aad u sarqaansanaa ,Waxaana qaar kamid ah Warbaahinta ay daabaceen in Ninkan uu doonayay in uu dilo Boomka,waxaana Shilkaas la soo warinayaa in ay ku dhaawacmeen ilaa 8 qof.

Ninkan Somaliga ah oo la yiraahdo Cabdulaahi ayaa waxaa uu wajahayaa eedeymo Culus oo ay kamid yihiin isku day dil iyo waxyeelo jireed oo halis ah .

Maxamed Cabdulaahi ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in uu Cabay ilaa 15 Galaas oo ah Nooca qamriga Vodka ah la yiraahdo iyo waxyaalo kale ka hor inta uu san ku dhicin gaariga  Suzuki Vitara.

Eedeysanahan oo 21 Sano jir ah ayaa la sheegay in uu xirnaa Funaanad Buluug ah Wajigiisana Mugdi ayuu ahaa laakiin Eedeysanaya ayaa beeniyay in uu isku dayay in dil fuliyo hasa ahaatee waxaa uu Shilkan ka dhacay meel ay Clup ah oo ay dad ku isugu yimaadaan waxaana la xusay in uu shilkan dhacay 17 kii Maarso ee Sanadkan 2018.

Garsooraha maxkamadda sare ee maxkamadda Timothy Fancourt QC ayaa sheegay in Cabdullaahi, indhahiisa lagu soo oogay dacwad, “la shubay cabitaanka iyo daroogada”.

Maxkamadda ayaa Sheegtay in Ninkan lagu soo eedeeyay Cabidda Daroogada Laakiin Eedeysane Cabdulaahi ayaa beeniyay dhammaan danbiyada lagu soo eedeeyay kali ah waxaa uu sheegay in uu Xanaaqsanaa.

Xer ilaalinta Maxkamadda ayaa Sheegay in Ninkan uu doonayay in uu fuliyo dil kiis-kaasna uu yahay mid weyn.

Cabdul wuxuu ku sugnaa goobta wadada Queen Street  seddex saacadood illaa iyo intii uu ka soo degayay 11.40pm waxaana la sheegay in uu aad u sarqaansanaa xilligaas.

Waxa uu ku soo laabtay Gaariga Muddo 10 Daqiiqo ah kadiba wuu ka xeeyay xowligana hoos ayuu u dhigay waxuuna soo aaday dhnaca Albaabka Clupka Shaqaalihii Albaabka fadhiyana wey boodee Sidaas waxaa tiri Taylor, sida lagu daabacay Jariiradda dailymail.

LEAVE A REPLY