SHARE

Wararka ka imaanaya Dalka Iiraan ayaa Sheegaya in Rag Hubeysan oo aan wali heybtooda lagaran islamarkaana ku lebisan dareeska Ciidamada ay weearar ku soo qaadeen Barxad ay ka socotay gaadi ka ciyaar ay sameynayeen Ciidamada Iiraan oo U dabaal dagayay Sanad guuradoodii ka soo wareegatay markii ay Iiraan iyo Ciraaq ay wada Dagaalameen 1980-88

Sida lagu daabacay Wakaaladda Wararka u faafisa Dalka Iiraan ayaa Sheegtay in Raggan hubeysan  Rasaas ku fureen Goobtii ay ka socotay Munaasabadda waxaana lagu soo waramayaa in halkaas ay ku geeriyoodeen 20 ruux oo ay ku jiraan haween iyo Caruur sida lagu daabacay War ay baahisay Wakaaladda Wararka ee Dalka Iran oo la yiraahdo IRNA news agency.

Weerarkan ayaa ka dhacay koonfyrta Galbeed ee Dalka Iiraan gaar ahaan Magaalada la yiraahdo Ahvaz,waxaana Muuqaal laga baahiyay Tv-ga Rashian Today ayaa waxaa lagu arkayay Askar farabadan oo dhulka jiifa si ay ugu nabad galaan Rasaasta ay furayaan Raggaas hubeysan.

Waxaa sidoo kale Muuqaalka uu baahiyay Tv-ga laga maqlayay dhawaqa rasaasta uu furayeen Ragaas iyo Sawaxan farabadan oo qeylo u badan oo laga dareemayay goobta ay Mashaqada ka socotay.

Ragga hubeysnaa  ayaana toogasho ku bilaabay dadkii ku sugnaa munaasabadaasi taas oo dhalisay dhimasho iyo dhaawac Sida ay qoreyso Wakaaladda Wararka ee Dalka Iiraan IRNA news agency.

Dad kii ku dhaawacmay Weerarkan ayaa waxaa loo qaaday Isbitaalka si loola tacaalo xaaladooda Caafimaad ,waxaana Dhaqaatiirta ay wadaan Dadaal la doonayo in lagu bad baadiyo dad kii ay waxyeelada ka soo gaareen Weeararkii uu Ninka hubyesan ka geystay Gudaha Dalka Iran.

Telefishanka Iran ayaa baahiyay in Weerar kaas lagu eedeeyay in ay  kadanbeeyeen kooxda layiraahdo  “takfiir”, oo tixraac u ah dagaalyahannada Sunniyiinta,waxaana Iiraan ay Sheegtay in Weerar kan ay kadanbeeyeen koox jihad doon ah.

Afhayeenka Isbaheysiga Dibadbaxyada ayaa ku eedeeyay muwaadiniinta Carabta, isaga oo sheegay in ay taageerayaan Sacuudi Carabiya, sidaana waxa sheegay wakaaladda wararka ee ISNA.

Waxaa tarjumay Maryama Xuseen Jibriil

LEAVE A REPLY