SHARE

Hogaayiha ruuxiga ah ee dalka Iiran, Ayatollah Khamenei ayaakahadlay Weeararkii Shalay lagu qaaday Ciidamada kacaanka Iiraan oo sameynayay ama ka qeyb qaadanayay Munaasabad Sanad guuro oo ku aadan Dagaalkii ay la galeen Ciraaq ayaa Sheegay  in weerarkii lagu qaaday meel ay gaado ka cayaar kus oo bandhigayeen militariga Koonfurta galbeed ee dalkaasi uu ahaa weerar lala xiriirinayo xulufada uu Mareykanka ku leeyahay gobolka waa Sida uu hadalka u dhigay.

Inkastoo Hogaamiyaha Ruuxiga ah ee Iran uu San Carab baabin Wadamada Xulufada la ah Mareykanka ee Gobalka Jooga hadana Warar kale oo ay baahiyeen Warbaahinta Iiraan  ayaa lagu Sheegay in Weerar kaas ay ka danbeeyeen kooxo argagaixiso ah ,waxaana jiray War tilmaamayay in Sacuudiga ay howshaan faragelin ku laheyd.

Warar kii ugu danbeeyay ee ka soo baxay Weerar kiii Shalay ayaa Sheegaya in Ugu yaraan 29 qof ayaa ku dhimatay toboneeyo kalana way ku dhaawacmeen ka dib markii rag hubaysan ay rasaas ku fureen magaalada Ahvaz.

Askarta ayuu markii uu weerarkaasi dhacay ku cararay goobo ay gabaad ku dhigtaan halka dadka rayidka ahaa ay naftooda la baxsadeen.

Iiraan ayaa baahisay in sidoo kale ay halkaas ku dhinteen afar kamid ah kooxihii Weerar ka soo qaaday waxaana  Iraan ay Sidoo kale Sheegeen in ay gacanta ku hayaan qaar kamid ah dad kii weerar ka soo qaaday sida laga soo xiganayo Maamulka Gobalka uu Weerar ka ka dhacay.

Koox maxali ah oo asalkoodu Carab yahay oo gooni u goosad ah ayaa sheegtay masuuliyada weerarkan,inkastoo Iran ay weerar kan ku eedeysay Dowlado Dibadda ah ,hadana kooxdaas ayaa Shaaciyay in Masuuliyadda weerar kaas ay lahaayeen.

Wararka ayaa sheegaya in kala bar dadka weerarka ku dhintay ay ahaayeen ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan.

Waxaa sidoo kale masuuliyada weerarka sheegatay kooxda la baxday dowladda Islamka.

Wasiirkii arrimaha dibadda ayaa u muuqday in uu farta ku fiiqanayay in dadka weerarka gaystay ay soo hubeeyeen Israa’iil ama wadamada ay xulufada yihiin Mareykanka ee gobolka gacanka sida Sacuudiga.

Magaalada Ahvaz ayaa kamid ah magaalooyinkii ugu dambeeyay ee dalkaasi oo ay ka socdeen dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda oo ay shacabka uga cabanayeen sicir barar iyo qiimaha badeecadaha oo sare u kacday.

Waxaana Gobalka uu Caanku yahay Saliidda wuxuuna Xuduud la la yeehay Dalka Ciraaq

LEAVE A REPLY