SHARE

War a baahisay  Golobal News ayaa lagu Sheegay in kooxo la sheegay in ay Burcadbadeed yihiin ay qafaasheen  Shaqaale Saarnaa Markab sida lagu daabay Golabal News

Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay xeebta Bonny,oo u dhaw Port Harcourt.

Shaqaalaha markabkani oo lagu magacaabo Massoel ayaa waxay sheegeen in bucad badeedani ay markabkani oo siday Qamadi ay xoog ku soo koreen.

Burcadda ayaa la tagay 12 ka mid ah 19 shaqaalihii markabka saarnaa.

Shirkadda iska leh markabka ayaan wali shaacin dalalka ay ka soo kala jeedaan shaqaalihii saarnaa markabka la afduubay.

Burcad-badeeddu waxay burburiyeen qalabka isgaarsiinta kahor inta aysan la bixin 12 ka mid ah 19-ka xubnood ee shaqaalaha ee Saarnaa Markabkaas.

Ciidamada badda ee dalka Nigeria ayaan xaqiijin Karin dhacdadan , balse waxa waxa ay sheegeen in doomo ay qoryo ku rakiban yihiin halkaasi loo diray si ay baaritaan u sameeyaan.

Markabkan waxaa lagu hayaa xeebta Bonny Island, ku dhowaad 45 nautical miles waqooyi bari halkaas oo weerarku dhacay ayaa lagu yiri Warka lagu daabacay Golabal News.

Weerarada ay qaadaan burcad badeeda ayaa ku sii badanayay biyaha dalka Nigerian muddooyiinkii ugu dambeeyay.

Bishii May ee sanadkan 11 ka mid ah shaqaale saarnaa Markab ayaa laga afduubtay goobta lagu magacaabo Port Harcourt, waxaana la haystay 4 toddobaad.

“Nabadgelyada iyo wanaaga kuwa la afduubay ayaa ah mudnaanta ugu horeysa ee maraakiibta xamuulka ah,” ayay tiri shirkaddu, iyada oo intaa ku dartay in ay la shaqeynayso mas’uuliyiinta si ay u helaan oo ay u xaqiijiyaan sii deynta la haystayaasha ayaa lasii raaciyay Warka lagu daabay Golabal news.

Ciidamada badda ee Nigeria iyo bilayska xeebaha ayaa sheegay in aysan ka warqabin afduubka ayna baarayaan, falkan waxaana waxaana ay Suxufiyiinta u shegeen in ay Sameynayaan baar taan arrintan lagu xaqiijinayo.

Waxaa tarjumay Xamdi Xuseen Faarax, Xafiiska Jowhar Fm Muqdisho

Halkan ku dhufo isagoo English ah Mahadsanid

 

LEAVE A REPLY