SHARE

Dad badan oo reer Iran ah iyo masuuliyiin dawladeed ayaa ka qeyb qaadanaya xaflad loo soo gaba gabeynayo dhibanayaasha weerarkii argagixisada Sabtidii ka dhacay Magaalada  Ahvaz ee Dalka Iran.

Xabaasha ayaa waxa ay ka bilaabatay Magaalada Ahvaz Maalintii Isniinta ah kadib markii Sida ay Sheegtay Iiraan ay koox argagixiso ah ay weerar ku soo qaadeen Xafladda Meleteri oo ka socotay Wadankaas waxaana la sheegay in Weerar kaas ay ku geeriyoodeen ilaa 25 Askari oo ka tirsan Ciidamada kacaanka ee Dalka Iraan.

Dhaawaca Weerar kaas ayaa waxaa lagu sheegay in uu gaarayo ilaa 68 qof sida uu baahiyay Tv-ga press Tv ee laga lee yahay Dalka Iraan ,waxaana sidoo kale la sheegay in weerar kaas dad ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay ay ku jiraan Haween iyo  Caruur.

Waxaa kamid ah Saraakiiisha Dowladda ee ka qeyb galay Aaskan qaran ee loo sameeyay dad kii ku dhintay Weerar kii laba maalin ka hor ay kooxo hubeysan ay ku soo qaadeen Dalka Iiraan Hoggaamiyaha Islaamiga ah ee Ayman al-Khamenei; Wasiirka gaashaandhigga Iran Amir Hatami; Wasiirka Warfaafinta Mahmoud Alavi; Wasiirka Caafimaadka Hassan Ghazizadeh Hashemi; Ku-xigeenka Taliyaha Guutada Islaamiga ah (IRGC) Brigadier General Hossein Salami, iyo kuwo kale.

Waxaa sidoo kale Aaskan qaran ee loo sameeyay dad kii ku geeriyooday Weerar kaas waxaa ka soo qeyb galay dad weyne aad u farabadan waxaana Dowladda  Iran War ka soo baxay lagu sheegay in la soo gabagabeeyay gabi ahaanba Aaskii loo sameynayay dad kaas.

Isniintii ayaa lagu dhawaaqay maalinta baroor diiqada ah ee gobolka Khuzestan, iyo halka lagu aasi doono dad kii geriyooday.

Xubno katirsan Dowladda Iraan ayaa waxaa ay booqdeen dad kii ay dhaawacyada ka soo gaareen Weerar kii kooxihii hubeysnaa ay ka geysteen Barxad ay gaadi ka ciyaar ka socotay

Kooxda argagixisada ee “al-Ahwaziya”, oo taageero badan ka heshay Sacuudiga, ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka wax yar ka dib markii la fuliyay. Ayaa lagu yiri War uu baahiyay Tvga Press Tv.

Sidoo kale kooxda argagaxisada ah ee Daesh ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar kan  waxaana baraha ay leedahay Daacish lagu soo bandhigay Sawirro ka tarjumaya Weerar ka.

LEAVE A REPLY