SHARE

Xukumadda Sahyuuniyadda Yahuudda ayaa dad ka Shacabka ah ee Falastiiniyiinta usheegtay in Xaafadda Bedouin eek u taala Galbeedka  ay ugu guuraan muddo Sedeed Maalmood ah waxaana lagu amray in 8 Maalmood ay ku bur buriyaan Guryaha ay Deganyihiin oo ku yaala Xaafadaas.

Digniintii Axaddii ayaa imanaysa toddobaadyo kadib markii Maxkamadda Sare ee dalka Israa’iil ay diiday codsiyada ka dhanka ah jebinta Xaafaddan oo ah Xaafad ay Deganyihiin dad Shacab Falastiiniyiin ah .

Wasiirka Wasaaradda Difaaca Israel oo kormeeraysa arrimaha rayidka ee daanta  Galbeed ayaa ku sheegay bayaankan sida tan.

: “Marka loo eego xukunka Maxkamadda Sare, dadka deggan Khan al-Ahmar ayaa maanta waxaan soo gaarsiiyay  ogeysiis qeexaya  in ay burburiyaan dhammaan dhismayaasha ku yaala Xaafaddan  1-dii October ayaa lagu yiri bayaanka Wasaaradda Difaaca ee Srael.

Hadii ay diidaan xukumaddu waxa ayfulin doontaa amarada bur burinta iyadoo la eegayo go’aanka Maxkamadda ee Sharciga ah ayaa laguri Ogeysiiska la soo gaarsiiyay dad ka ku nool Xaafaddan oo ay srael dooneyso in ay bur buriso.

Qorshahan oo ay Srael ku dooneyso in ay ku bur buriso Xaafaddan ayaa waxaa ka soo horjeestay dad ka Deegaanka waxaana ay Cambaareeyeen qorshahan Srael ay ku dooneyso in gabi ahaanba ay bur buriso sida lagu yiri War uu baahiyay Tv-ga Carbeed ee Aljazeera.

Horaantii bishaan,  Dowladaha Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga iyo Spain ayaa dib u cusbooneysiiyay baaqooda ku aadan Qorshaha ay Srael ku dooneyso in ay ku bur buriso Xaafaddan waxaana ay ka digeen arrinta ka dhalankarta ,waxaana mugdi gali kara ayey yiraahdeen Rajada laga qabo xallinta Labada Dowladood waa Sida ay hadalka u dhigeen .

“Qofna ma bixi doono, dhulkan waa inaan xoog saarnaa, arrintan ” ayuu yiri afhayeenkaXaafadda Eid Abu Khamis oo u warramayay Al-Jazeera, isaga oo intaa ku daray in Shirar ay ka yeelan doonaan dad Deegaanka ,taas oo looga arrinsan doono qorshahan ay Srael ay ku dooneyso in ay ku bur buriso Xaafaddan ay degan yihiin dad Falastiiniyiin ah.

“Haddii aan dooneyno inaan qaadno dhiirrigelintaan, waxaan qaadan lahaa 30 sano ka hor, dhiirigelinta soo socota laakiin dhammaanteen waan diiday.

Waan jogi doonaa dhulkeena ,mana laga yaabo in aan xoog ku baxno.

Yousef Abu Dahouk, oo ah aabe 37-jir ah Afar Caruur ah leh  ayaa u sheegay Al Jazeera in ciidamada Israel ay soo galeen Xaafadda iyagoo hub Culus ku hubeysan waxaana lagu arkay meel u dhow Dugsi qur’aan oo ay Caruur badan dhigtaan ,waxaana taas ay Calaamad u tahay sida Srael ay ku dooneyso in ay ku burburiso Xaafaddan.

“Ciidamada Israel waxay isku dayeen inay soo galaan dugsiga, laakiin dhaqdhaqaaqayaashu way horjoogsadeen, ka dibna, waxay ku wareegeen tuulada, inta u dhaxaysa guryaha dhexdoodana waxay sahamiyeen goobta, iyagoo isku dayay inay ogaadaan inta ay socotay dhaqdhaqaaqayaashii, ka dibna way baxeen.”

Xaafadda Khan al-Ahmar waxa ay dhowr kilomitir u jirtaa Yeruusaalem waxaana u dhaxeeya Laba Degmooo waaweyn oo Sharci darra ah ,waxaana hadda ay Srael dooneysa in gabi ahaanba ay bur buriso Xaafaddan oo ay ku nool yihiin qoysas farabadan.

Burburinta tuulada Baadiyaha ayaa u oggolaanaya xukuumadda Israel ay laba u kala goyso daanta Galbeed ,waxaana arrintan lagu tilmaamay isbalaarinta Srael ee ay ku dooneyso in ay dhulal badan ka hesho daanta Galbeed.

Dadka ku nool tuuladan  waa xubno ka tirsan qabiilka Bedouin Jahalin, oo laga soo saaray dhulalkii ay ka degganaayeen Negev oo ay degeen ciidamadii Israa’iil 1950 waxaana dad kan ay barakaceen laba Mar waxaana ugu danbeyntii ay soo Degeen Xaafadda   Khan al-Ahmar laakiin waxaa dhacday in Deegaano kale oo Sharci darra ah la sameeyay waxii ka danbeeyay markii ay soo degeen.

Waxaana Xaafaddan ku nool qoysas kooban oo teen dhooyin ka dhistay laakiin Maxkamad ku taala Srael ayaa kal hore soo saartay in la bur buriyoooooo Xaafaddan ,waxaana Maanta Axad ah ay Srael u qabatay muddo 8 Maalmood ah in ay ugu guuraan qoysaska degan hadii ay ka dhaga adeegaana ay talaabo  qaadi doonto Srael.

LEAVE A REPLY