SHARE

Wasaarada Gaashaandhiga ee dalka Ruushka ayaa shaacisay in labada todobaad ee soo socda ay ku wareejin doonto ciidamada dalka Siiriya hubka casriga ah ee lidka diyaaradaha, tilaabadan oo jawaab u ah shilkii todobaadkii hore lagu soo riday diyaarad uu leeyahay militariga Ruushka.

Mareykankan ayaa sheegay in Talaabadan uu Ruushka uu Dowladda Suuriya ku siinayo Hubka Casriga ah ayaa sheegay in go’aankaas uu qalad yahay .

Xukumadda Mooskow ayaa Sheegtay in Dowladda Siiriya ay u diri doonto S-300 oo ah Hub Casri ah ,waana lidka Diyaaradaha taas oo uu Ruushka ugu talagalay in ay u adeegsadaan difaaca hawada ee Dalkaas.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayey diyaarada sirdoonka militariga Ruushka leeyahay lagu soo riday hawada dalka Siiriya kadib markii ay ku dhaceen hubka lidka diyaaradaha ciidamada Siiriya oo iska difaacayey diyaaradaha Israel oo isniintii hore weeraray dalka Siiriya.

Lataliyaha dhanka ammanaka qaranka ee Mareykanka ayaa Sheegay in hadii ay arrintan sax noqoto in Mareykanka uu ka fiirsan doono Talaabada uu arrintan ka qaadayo ayuu yiri.

Waxaan leenahay ciidamo Maraykan ah oo jooga aagga waana ka walaacsanahay arrintaas Bolton ayaa sidaas yidhi.

Militariga Ruushka ayaa ku eedeeyey diyaaradaha Israel inay gabaad ka dhigteen diyaaradooda taasina keentay in lidka diyaarada Siiriya uu ku dhaco diyaaradooda oo hawada ku burburtay, waxaana ku dhintay 15 askari ee saarnaa.

Ruushka ayaa hada sheegay inay ku wareejin doonaan militariga Siiriya hubka casriga ah ee lidka diyaaradaha oo loo yaqaan S-300. Waxaa xusid mudan in hubkan horey qorshaha u ahaa in la geeyo dalka Siiriya sanadkii 2013, balse Ruushka ayaa joojiyey inay hubkan siiyaan Bashar Al Assad kadib markii codsiyo badan uga yimid Maamulka Israel.

Raysalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa marar badan ka codsaday Ruushka inaysan hubkan siin Siiriya, maadaama hubkan uu khatar ku yahay diyaaradahooda oo in ka badan 100 jeer weeraray dalka Siiriya intuu wadankaasi ku jiray dagaalka Sokeeye.

Hubkan lagu wado in todobaadyada soo socda ay helaan ciidamada Siiriya ayaa ah mid tiiradiisa gaari karto illaa 200km, isla markaana hal mar wada duqeyn kara dhowr jiho oo laga soo weeraro hawada, waxayna meesha ka saareysaa fursadihii badnaa oo ay Israel u heysatay inay dhanka cirka ka weerarto dalka Siiriya.

Maraykanka ayaa isaguna walaac ka muujiyey go’ aanka Ruushka hubka ku geenayo Siiriya, John Bolton oo ah Lataliyaha Madaxweynaha Maraykanka ee Amniga ayaa sheegay in hubkan oo loo gacan geliyo Siiriya aysan khatar ku ahayn Israel oo kaliya balse uu sidoo kale uu khatar ku yahay dhamaan dalalka deriska la ah iyo kuwa kale oo uu Maraykanka kamid yahay ee sida joogtada ah u isticmaala hawada Siiriya.

Si kastaba ha ahaatee, Kremlin ayaa sheegay in rakibaadda S-300 ay ahayd in lagu kordhiyo ammaanka ciidamada Ruushka mana aheyn in hubkan lagu wareejiyo Dalsedaxaad ayuu yiri.

Ruushka ayaa sidoo kale xannibaya hababka navigaliga iyo dayax-gacmeedka, iyo sidoo kale isgaarsiinta diyaaradaha dagaalka ee ka hawlgala bariga , sida uu sheegay wasiirka difaaca ee Dalka Ruushka.

Moscow ayaa ku eedeysay Israaiil in ay Sabab u aheyd Diyaaradii Melleteri ee uu Ruushka lahaa eek u soo dhacday Dalka Siiriya waxaana saarnaa 15 Askari, Israel ayaa sheegtey in diyaaradaha aan duullimaad la’aanta ee Syria ay sabab u yihiin Shilkaas diyaaradeed eek u soo dhacday Dalka Siiriya.

Wariyaha Al Jazeera ee Magaalada Mooskow ayaa Sheegay in arrintan ay ka danbeysay kadib soo riditaankii Diyaaraddii Melleteri ee Ruushka ,waxaana hadda arrintan walaac xooggan ka muujinaya Srael iyo SIdoo kale Mareykanka kuwaas oo Sheegay in ay qattar uu hubkan ku yahay Diyaaradaha Dagaalka ee Srael iyo Mareykanka.

Xigasho Aljazeera

Hoos ka aqriso Linkiga ALJazeera.

LEAVE A REPLY