SHARE

Jariiradda arabnews oo soo xiganeysa Wasiirka arrimaha dibadda ee Imaaradka Carabta ayaa baahisay in Imaaradka ay taageerayaan Hindisaha Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa ay ku dooneyso in ay ku nabadeyso xaaladda Dagaal ee ka jirta gudaha Wadanka Yaman, Hasayeeshee Qoraalka Jariiraddan ayaa waxaa uu ku bilowday sida tan.

Imaaraadka Imaaraadka Carabta, oo ciidamadoodu ay la dagaallamayaan maleeshiyaadka xuutiyiinta oo ay weheliyaan ciidamada dawladdaha isbaheysiga , ayaa sheegay in ay si buuxda u taageeri doonaan wadahadalada Cusub ee dhanka  nabadda  ka dib markii wadahadaladii ay garwadeenka ka aheyd Qaramada midoobay ay bur bureen horaantii bishan.

Wasiirka Arimaha Dibadda Anwar Gargash ,ayaa sheegay in wadahadallo xilligaan laga yeesho dalka Yemen oo uu  garwadeen ka yahay ergeyga  Qaramada Midoobay Martin Griffiths ay yihiin kuwo ay si aad ah u taageerayaan,kadib markii  uu dib u dhac ku yimid shirkii Geneva ee horraantii Bishan.

“Waxaa dib u xaqiijinay taageerada xooggan ee geeddi-socodka siyaasadeed ee Qaramada Midoobay ka dib, dib-u-dhac ku yimid Wadahadlkii Geneva,” Gargash ayaa twitterkiisa ku yiri  “Si buuxda ayaan u taageeri doonaa soo jeedinta Qamaramada midoobay eek u aadan Wadahadalka Cusub ee lagu nabadeynayo Dalka Yaman.

Ergeyga Qaramada Midoobey ayaa u dhexeeyay dhammaan dhinacyada dagaallada sokeeye ee ba’an tan iyo bishii Maarso ee sannadkii 2015-ka si loogu helo wadahadal nabadeed oo dib loogu soo celiyo.

Hadaladaan ayaa imaanaya ,iyadoo laba todobaad kadib ay burbureen wadahadallo nabadeed oo ay soo qaban qaabiyeen Qaramada Midoobay,kaas oo ay sababeen  dagaalada ka socda magaalada  Hodeidah.

Todobaadyadii tegey Qaramada Midoobay ayaa dadaal ku bixisay sidii loo dhexdhexaadin lahaa dowladda Yemen iyo kooxaha Xuutiyiinta,waxaana ergeyga u xilsaarn dalkaasi uu si toos ah isu hor-fariisiyay dhinacyadaasi.

Xigasho Arabnews

Halkan ku dhufo si aad toos ugu gaarto Arabnews

LEAVE A REPLY