SHARE

Madaxweyne Trump ayaa muddo dheer ku dooday in Maraykanku ka faa’iidaysteen quruumaha kale – “wuxuu ku qoslaa saamiga dunida oo idil,” ayuu ku yiri Twitter-kii 2014-kii – iyo sicirka siyaasadeed wuxuu ku salaysan yahay qaddiyadda uu leeyahay awood iyo in la xaliyo isbedelkaas. Hasa ahaatee Jariiradda The Washington Post ayaa waxaa ay qortay Sida tan.

Trump ayaa khudbadiisa kusoo qaatay guulaha uu sheegay inay dowladiisa gaartay intuu xilka qabtay isagoo sheegay in guulahaasi ay yihiin kuwii ugu badnaa ee ebid dowlada Maraykan ah gaarto, arrintaasi oo ay si wadajir ah ugu qosleen boqolaalka wafuuda ah ee ka kala socda Caalamka ee Golaha ku sugnaa.

Donald Trump oo ah nin aad u neceb in lagu qoslo maadaama ay taasi wax weyn u dhinto Isku-kalsoonidiisa ayaa sheegay inay lama filaan ku noqotay qosolka Beesha Caalamka.

Had iyo jeer wey ku qoslaan Madaxweynaha Laga soo bilaabo bartamihii-80kii, ayuu yiri: dunida ayaa nagu qososhay waxeyna u maleynayaan in aan nahay Nacasiin ayuu yiri Thomas Wright, oo ah falanqeeyaha yurub ee Brookings Institution.

“Marna run ma ahan, laakiin waxa uu ka sheegay wax walba oo madaxweyne ah. Waa markii iigu horreysay ee aan ogaado in dadku dhab ahaantii ay ku qosleen madaxweyne.

Trump ayaa khudbadiisa inta badan ku weeraray dowlada Iran, halka uu hadalo wanaagsan u diray Kuuriyada Waqooyi oo uu sanad kahor isla Golahaasi ka sheegay inuu burburin doono, wuxuu sidoo kale sheegay in wadan walba dantiisa ka fekero isagoo dhaliilay isdhexgalka Caalamka (Globalism).

Madaxweynaha Dowlada Maraykanka Donald Trump oo khudbadiisa kasoo jeediyey kulanka 73aad ee Golaha-loo-dhaqan-yahay ee Qaramada Midoobay oo ka furmay Magaalada New York ee Xaruunta Qaramada Midoobay waxa ayna khudbadaas ay keentay in dad badan ay ku qoslaan waxa uu Sheegayo Madaxweynaha Wadanka Mareykanka Donal Trump, waana hadal heynta ugu weyn ee ay hadal hayaan Warbaahinta Caalamka.

LEAVE A REPLY