SHARE

Agaasimaha qeybta fulinta ee hay’add  WFP oo khamiistii kahadlayay Shirka Golaha loo dhanyahay ee ka furmay Xaruuntooda ayaa Sheegay in Dalka Yaman ay ka jiraan Macluul aad u daran waxaana muhiim ah in wax laga qabto arrintan ku aadan cuno yaraanta ka taagan Dalka Yaman.

Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP) ayaa sheegay in ay xaalad aad u xun oo Macluul ah ay ka jiraan meelaha fog fog ee Dalka Yaman halkaas oo aysan gaari Karin hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan dhanka Cuntada, waxaana ka jirta Xaalad Gaajo oo aad u xun sida uu Sheegay Agaasimaha qeybta fulinta ee Hay’adda WFP David Beasley.

WFP ayaa ka digtay in Dalka Yaman ay ka dhici karaan Macluul aad u daran waxaana ay sheegtay in dad badan oo gaaraya 18 Milyan ay qarka u saran yihiin in ay wajahaan Gaajo aad u daran waxaana WFP ay ka cabsi qabtaa in arrintaas ay sii baahdo.

Dagaalka sokeeya ee ka jira Dalka Yaman ayaa sii xumaaday kadi markii ay soo farageliyeen Isbaheysi uu hogaaminaayo Sacuudiga 2015-tii waxaana taas ay keentay in ay bur buraan dhaqaalaha Wadanka ,waxaana sidoo kale ay sababtay in ay abuurto barakac aad u farabadan.

Qiimaha cuntadu wuxuu kordhay 35% 12-kii bilood ee la soo dhaafey  waxaana hoos u dhac uu ku yimid Riyaal Dalka Yaman waxaana kor u kacay Lacagta Mareykanka iyadoo arrintan halis gelin karta 12 oo ku nool Dalka Yaman Sidaas waxaa Warbaahinta u sheegay Sargaal ka tirsan Qaramada midoobay.

LEAVE A REPLY