SHARE

400 qof ayaa la xaqiijiyay ilaa hattan in ay ku ku geeriyoodeen duufaanta xooggan oo ku dhufatay ,waxay ku dhuftey jasiiradda Sulawesi ee dalka Indonesia.

Wakaalada wararka ee Dalka Indonesia aya amaanta ooo sabti ah ayaa wxa ay ku warameysaa in ay jiraan walac xooggan oo ku saabsan in dad ka ku nool Dalkaas.

War lagu daabacay Wakaaladda Wararka ee Dalkaas ayaa Slagu sheegay in Suniaamigan uu dhacay xilli ay dad ka isku diyaarinayeen Bandhig la doonayay in lagu qabto Xeebta habeenkii Jimcaha

350,000 qof ayaa ka barakacay  qayb ahaan magaalada , maalin kadib markii ee kaceen  hirarka sunami oo  Cabirkiisa lagu qiyaasay 1.5 met kuwaas oo soo gaaray dhulka barriga ah ,sid ala bahaiyay .

Dhaawaca ayaa la xaqiijiyay in uu gaarayo dhowr boqol oo qof,halka burburkii ka dhashay dhulgariirkaasi uu aad u sareeyo sida laga soo xigtay Wakaaladda ka hortagga Masiibooyinka dalka Indonesia.

Warar ka laga helayo Isbitaalada ayaa Sheegaya  in Goobaha Caafimaadka ee Wadankaas la geeyay dad aad u farabadan kuwaas oo ay waxyeelo kala duwan ay ka soo gaareen hirarka dhul gariirka eek u dhuftay Wadankaas.

Sidoo kale waxaa la baadi goobaya dad kii ku dhintay Mushkiladdan ka dhacday Dalka Indonesia ,waxaana jirta baadigoob lagu hayo dad ka maqan ee la tuhmayo in Musiibadaas ay ku dhinten.

Waxaa sidoo kale jiray walaac ku saabsan halka ay ku suganyihiin boqolaal dad ah oo isku diyaarinaya bandhiga xeebta ee Jimcaha, sida ay wakaaladdu sheegtay.

Dhul gariirkan aya sidoo kale waxaa la sheegay in uu hakiyay dukaameysiga iyo isu socodka gaadiidka waxaanala arkayay gaadiid badan oo ay saameeyn arrintan ka dhacday Dalka Indonesia ,waxaana bur buray guryo badan sida lagu baahiyay War lagu daabacay Wakaaladda Warar ka ee Dalka Indonesia.

Bishi August 5-teeda dhul gariir ku dhuftay jasiiradda Lombok ee Indonisiya waxaa ku dhintay dad ka badan 460 qof.

Dhul gariirka ku dhuftay bartamaha Sulawesi ayaa wuxuu saameeyey dhul dhan 10km.

Saraakiisha Dowladda ayaa Sheegay in ay wadaan Dadaal lagu bad baadinayo dad ka hadda ka bad baaday Dhul gariiskan ka dhacay Dalka Indonesia ,waxaana la baadigoobayaa dad badan oo wadankaas u dhashay oo la’ layahay ,waxaana la rumeysan yahay in qasaaraha dhimashada ay intaas ka badan karto ,maadaama dhul garirkan uu hadda Cuusb yahay.

Duufaanta Tsunami ee Pelu ku dhufatay oo horay digniin looga sii bixiyey, waxay dhacday saacado kaddib marki digniinta la shaaciyey.

LEAVE A REPLY