SHARE

Ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa Iran ku eedeeyey inay haysato xarun hubka nukliyeerka lagu keediyo oo ku taalla magaalada Tehran.

“Iran kama aysan tanaasulin hadafkeeda ah inay horumariso hub nukliyeer” ayuu Netanyahu u sheegay kulanka Golaha Guud ee QM, isaga oo gacanta ku haya sawirrada iyo qariiradda dhisme ku yaalla degmada Turquzabad ee magaalada Tehran.

“Waxa aan ka hadlaya hadda horay looma looma ogeyn, Maanta, waxaan shaaca ka qaadayaa markii ugu horaysay in Iran ay leedahay xarun kale oo qarsoodi ah oo ku taala Tehran” ayuu yiri Netanyahu. “waxaana jira Bakhaaro qarsoodi ah oo lagu keediyo qalabka iyo Rasaas waaweyn waxaana si toos ah looga keediyaa Barnaamijka Nukliyeerka.

Netanyahu ayaa sheegay in Iran ay dhismahaas u adeegsato “inay ku keediso qalab iyo walxo tiro badan oo loogu talo-galay barnaamijkeeda Nukliyeerka”

Waxa uu sheegay in hay’adda caalamiga ah ee tamarta atoomiga ee IAEA iyo qaar ka mid ah hay’adaha sirdoonka ku war-geliyey dhismaha, wuxuuna dalbaday in IAEA ay baaritaan deg deg ah ku sameyso goobtan.

Wasiirka arrimaha dibedda Iran, Mohammad Javad Zarif ayaa ku gacan seeray sheegashada Netanyahu, wuxuuna sheegay in Iran aysan haysan barnaamij ay ku horumarineyso hub Nukliyeer.

“Ujeedada kaliya ee arrintan waa in la qariyo xaqiiqda ah in Israel ay tahay halista ugu weyn ee nabadda gobolka” ayuu yiri Zarif.

Dhinaca kale Safiirka Iran u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa si adag u beeniyay ra’iisul wasaaraha Benjamin Netanyahu hadalkii uu sheegay jimcihii isagoo ku eedeeyay in uu yahay Nin Cusuri ah.

Danjiraha Iran u fadhiya Qaramada Midoobay eela yiraahdo  Gholamali Khoshroo ayaa Netanyahu ugu yeeray “showman” wuxuuna yiri “soo bandhigida sawirada Google Street.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa soo saaray warbixin sheegeysa in waxa ay sameyneyso Iiraan ay tahay wax aad u fool xun islamarkaana loo baahan yahay in laga hortago ayuu yiri Mr Mike Pompeo.

Maamulka Srael ayaa siweyn ugu soo horjeeda Hishiiskii Nukliyeerka kaas oo soo baxay Bishii May.

LEAVE A REPLY