SHARE

Dhimashada Dhul gariikii ka dhacay Dalka Indonesia ayaa lagu soo waramayaa in ay keentay in ay kor u kacaan sida ay warisay Wakaaladda Warar ka ee Dalka indonesia.

Hay’adda Qaranka Musiibooyinka ayaa Sheegtay in ay qiimeeyeen Goobaha ay dhibaatada ka dhacday waxaana hay’adda ay Xaqiijisay in Qasaaraha ka dhashay Dhul gariirka uu aad u sii kordhay.

Warar kii ugu danbeeyay ee ay bahaiyeen Warbaahinta Caalamka ayaa Sheegay in Dhmashada ay gaareyso ilaa 832 qof ,waxaana Sidaas Warbaahinta u Xaqiijiyay Saraakiil ka tirsan hay’adda Qaran ee Musiibooyinka.

Hirar waaweyn oo biyaha bada ah ayaa gudaha ugalay magaalooyinka jasiiradaasi kadib markii uu dhul gariir xoogiisa lagu qiyaasay 7.5 uu ku dhuftay gunta hoose ee badweynta, kadibna keenay in biyaha bada ay ku fatahaan xeebaha dalka Indonesia.

Hirka badda oo ka dhashay dhulgariirka iyo duufaanta culus wada socday ayaa wuxuu ku socday joog dhan 2 miitir wuxuu ku dhuftay magaalada Palu oo ku taallo Jasiiradda Sulawesi.

Muuqaal laga soo duubay masiibadaasi oo baraha bulshada lagu baahiyey ayaa waxaa ka muuqata dadka goobta duufaanta ku dhufatay ku noolaa oo kala cararaya iyo biya xoog badan oo guriyaha soo galaya.

Dad badan ayaa lagu soo warramey in ay ku xayireen burburka dhismayaasha dhulgariirka uu ku dhuftay waxaana Warar goor dhow soo baxay ay Sheegayana in in Sunaamiga ku dhuftay Dalkaas u kor u sii kacay waxaana wali labaadi goobayaa dad aad u farabadan kuwaas oo la sheegay in ay xayiran yihiin.

Waxaa la sheegay in kooxda Samatabixiyaasha ay wali ku holan yihiin Musiibadan ka dhacday Dalka Indonesia waxaana Jira  Dadaal ay sameynayaan Shaqaalaha Samatabixiyaasha waxaana jira in guryo badan ay baabisay Duufaantan iyo dhul gariirkan wada socda.

Madaxwaynaha Indonesia Joko Widodo ayaa manta oo axad ah waxaa uu booqday Goobaha ay saameeyeen Dhul gariirkan si uu u ogaado xaalka halkaas ka jira, wuxuuna Tagay Jasiiradda Sulawesi, oo ah halka ay saameeyay dhul gariirkan.

 dad ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ku xayiran yihiin burburkii hudheelka iyo suuqa magaalada Palu. Haweeney dhallinyaro ah ayaa laga soo saaray  burburkii Hotel Roa Roa, bogga internetka ee Detik.com ayaa werisay. Milkiilaha hudheelka ayaa sheegay in ilaa 60 qof la rumeeysan yahay in ay ku jiraan bur burka Hoteelka.

Waxaan ku guuleysanay in haweeney nool laga soo saaro Hotelka Roa-Roa,” ayuu yiri Muhammad Saugi, oo ah madaxa hay’ada raadinta iyo samatabbixinta qaranka. “Waxaan xitaa maqalnay in dadku rabaan in ay nacaawiyaan oo ay nagala qeyb galaan bad baadinta dad ka ayuu hadalkiisa ku sii daray.

“Waxa aan hadda u baahannahay waa mashiino culus si aan u tirtirno burburka, shaqaalahaygu waa shaqaale dhulka, laakiin suurtogal maaha inay kaliya ku tiirsanaadaan xooggooda oo kaliya si loo caawiyo Sidaasna waxaa yiri Milkilaha Hotelkan Bur buray.

Isagoo ka hadlaya Jakarta, saxafiga Tomi Soet-jipto ayaa u sheegay Al Jazeera 11-ka dhimashada diiwaangashan inay ka yimaadeen Donggala, laakiin sawir cad oo ku saabsan xaaladda weli ma jirto.

“Afhayeenka hay’adaha qaran ee qaranka ayaa ku adkeeyay in ilaa hadda aysan wali helin macluumaad rasmi ah oo ku saabsan dhaawacyada iyo ” ayuu yiri. Wariyahan oo Al Jasiira u Waramay soona xiganayay Afhayeenka hay’adda qaranka Masiibooyinka.

Magaaladda dhow ee Mamuju ayaa sidoo kale  bur burtay  laakiin macluumaad yar ayaa la heli karaa sababo la xiriira waddooyinka oo burburay iyo isgaadhsiinta oo aad u adag .

In kabadan nus ka mid ah 560 maxbuus oo ku xirnaa Xabsi ku yaala  Palu ayaa baxsadey ka dib markii derbiyadii burburay intii ay socday  dhulgariirka, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Antara, halka in ka badan 100 maxbuus ah ay ka baxsadeen xabsi ku yaal Donggala.

Milatariga ayaa bilaabay in uu diyaarado u diro jaziiradaha iyo magaalooyinka kale, sidaasi waxaa yiri mas’uuliyiinta.

C-130 diyaaradaha xamuulka milatariga ah ee sahayda gargaarka waxa ay martay garoonka diyaaradaha ee Palu, oo dib loo furay duulimaadyada dad weynaha  iyo duulimaadyada xadidan ee ganacsiga, laakiin kaliya duuliyayaasha ayaa awood u leh in ay dhulka u dagaan sida la wariyay.

Sawirada laga helay satalaytka ee ay bixiyeen kooxaha gargaarka ee gobolka ayaa muujiyay dhaawaca culus ee qaar ka mid ah dekedaha waaweyn ee badaha, maraakiibta waawayn oo ay rideen duufaanta iyo dhulka gariirka.

Wararka laga helayo Goobaha Caafimaadka ama Isbitaalada ayaa la soo sheegayaa in lagu dabiibayo dad aad u farabadan ,kuwaas oo dhaawacyo kala duwan qaba waxaana la soo sheegayaa in Isbitaalada ay jiifaan dhaawacyo farabadan.

“Dhammaanteen waannu argagaxnay oo waxaannu ka baxnay guriga” markii dhulgariirkii dhacay, ayuu yidhi Anser Bachmid, oo ah 39-jir reer Palu ah. “Dadku waxay ubaahan yihiin gargaar – cunto, cabitaan, biyo nadiif ah.” Ayuuna sii raaciyay.

Waa dhacdadii ugu dambeysay ee dabiiciga ah ee ku dhufatay Indonesia, oo si joogto ah u Jawiga Dalka , Waxaana ay saameysay qadadka Teleefoonada iyo dhammaan is gaarsiinta kala duwan.

Bishi August 5-teeda dhul gariir ku dhuftay jasiiradda Lombok ee Induniisiya waxaa ku dhintay dad ka badan 460 qof.

Dhulgariirka ku dhuftay bartamaha Sulawesi ayaa wuxuu saameeyey dhul dhan 10km.

Duufaanta Tsunami ee Pelu ku dhufatay oo horay digniin looga sii bixiyey, waxay ku dhacday saacada kaddib marki digniinta la shaaciyey.

Madaxa saadaasha hawada ee Induniisiya Dwikorita Karnawati ayaa wuxuu sheegay iney hadda duufaantu noqotay.

“Duufaanta iyo Dhulgariirka mar ku wada dhuftay Pelu waxay shacabka magaaladu ku abuurtay degganaasho la’aan iyada oo dad tira badan oo waddooyinka yaacaya la arkayo”.

Bishii Diisambar 2004-tii dhulgariir iyo duufaan tan la mid ah oo ku dhufatay jasiiradda Sumatra deegaannada ku gadaaman ee badda India waxaa ku dhintay 226,000 oo qof iyada oo 120,000 oo qof oo ka mid ah ay ku noolaayeen Induniisiya.

LEAVE A REPLY