SHARE

Dalalka Maraykanka, Canada iyo Mexico ayaa ku heshiiyey in wax laga bedalo heshiiskii ganacsiga oo ka dhaxeeyey sadexdaasi wadan ee loo yaqaanay NAFTA (North American Free Trade Agreement) kaasi oo uu Madaxweynaha Maraykanka Trump sheegay inuu laali doono hadii aan wax laga bedalin.

Heshiiskan ayaa la sheegay in wax laga bedalay qeybo kamid ah qodobadii hore ee NAFTA oo soo shaqeenayey 25kii sano ee lasoo dhaafay, qeybta wax laga bedalay ayaa u badan dhinaca wax-soo-saarka beeraha, balse inta badan qodobada heshiiskii hore ayaa ah kuwo aan waxna laga bedalin.

Donald Trump Madaxweynaha Maraykanka ayaa ololihiisa doorashada ku galay in uu burburin doono heshiiskan is-dhexgalka ganacsiga ee NAFTA oo uu sheegay inuu burbur ku keenay dhinaca wax soo saarka Maraykanka, wuxuuna hada rajeenayaa isbedalkan yar ee lagu sameeyey heshiiskan ka dhigto mid kamid ah guulaha uu gaaray tan iyo intuu xilka qabtay.

Dalka Canada ayaa isagu ku guuleystay inuu difaacdo qodobka muhiimka ah ee 19aad oo heshiiskan kamid ah oo sheegaya in hadii dalalka heshiiskan gaaray khilaaf soo dhexgalo ay dacwadooda u gudbin karaan garsoore sadexaad ama madax-banaan.

Heshiiskan ayaa kasoo baxay wadahadalo adag oo u dhaxeeyey dalalkan lixdii asbuuc ee lasoo dhaafay, waxayna dhamaan dhinacyadan sheegeen in qodobada lagu heshiiyey ay yihiin kuwo horumarinaya ganacsiga wadamadaasi ka dhaxeeya oo lagu qiyaaso in sanadkii uu gaaro adduun dhan $1-trillion oo dollar ah.

LEAVE A REPLY