SHARE

Hoggaamiyaha Maamulka Gobolka Kashmiir ee dhinaca Bakistaan,ayaa ku eedeeyay ciidamada dalka Hindiyaa in ay rasaas la beegsadeen diyaarad Herikobtar ah oo uu la socday,isla markaana mareysay aagga ciidan ee xadka kala qeybiya Gobolkaasi.

Raja Farooq Haider Khan oo ah R.Wasaaraha Gobolka Kashmii ee dhinaca Bakistaan ,ayaa hadal uu ka soo saaray Magaalada Caasimadda ah ee Islamabad ,ka sheegay in ciidamada Hindiya ay tacshiirad huwiyeen diyaarad uu saarnaa oo mareysay  hawada deegaanada dhinacooda ah.

Shilkaan ,ayaa dhacay xilli ,R/wasaaraha Maamulka Kashmiir ee dhinaca Bakistaan uu ku socday gudashada tacsida  qoys uu ka baxay mid ka mid ah siyaasiyiinta gudaha Gobolkaasi.

“Helikobeerkeyga  ma sameynin wax xadgudub ah, Waxaana ku soconay hawada dhulkeena ,Ciidamada India ayaana Rasaas ku furay,” Raja Farooq Haider Khan ayaa ku sheegay hadal ka soo baxday caasimadda Pakistan ee Islamabad Axaddii.

Laakiin af hayeen u hadlay India ayaa beeniyay hadalkan ka soo baxay Ra’isul Wasaaraha Gobalka Kashmiir wuxuuna Sheegay in Diyaaradaas ay ku soo xadgudubtay Hawada Dalka India sidaas ayna u dhacday howshaas.

Hadalkan ka soo kala baxay Dowladaha India iyo Bakistaan oo ku aadan Diyaaraddan Rasaasta lagu furay ayaanan jirin Warar ka madax banana oo xaqiijinayay arrintan.

India iyo Bakistaan ayaa in mudda ah ku muransanaa Gobalka Kashmiir waxaana Gobalkan ka arrimiya Laba Maamul oo ka kala tirsan Bakistaan iyo India.

Ra’isul Wasaaraha Cusub ee Bakistaan Imran Khan ayaa sheegay in uu Casoomidoono Madaxda Dalka India waxaana uu Sheegay in ay kawada hadli doonaan muranka ka dhaxeeya Gobalkan Kasmiir wuxuuna tilmamay in uu ku rajo weyn yahay in la soo afjaro Khilaafkan u dhaxeeya India iyo Bakistaan eek u aadan Gobalka Kashmiir.

India ayaa Ogolaatay Wadahadalka ay Bakistaan ku dhawaaqday in la doonayo in lagu soo afjaro Khilaafkan dhanka Xuduudaha ah ee u dhaxeeya Bakistaan iyo India.

Ciidamada Maamulka Gobolka Kashmiir ee Hindiya,ayaa  ku andacooday  in diyaaraddaasi Herikobtarka ah ay mareysay hawada degmada Havaily oo dhacda  xagga Maamulkaasi..

LEAVE A REPLY