SHARE

Samafalayaasha Dalka Indonessia ee Jasiiradda Sulawesia ayaa wada howlgal ay ku bad baadinayaan dad ka wali ku xaniban burburkii ka dhashay dhul gariirkii ku dhuftay Dalka Indonesia .

Waxaa kaloo jirta in kooxda Samafalayaasha ah ee Dalkaas ay sameeyeen Khabuuro looga talagalay in lagu aaso 832 qof oo la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen Tsunamigii ku dhufatay dalkaas ,waxaana ay ku howlan yihiin sidii loo aasi lahaa dadkaas ,iyadoo dhinaca kale ay wadaan baadigoob ku aadan dad ka ku hoos jira bur burka.

Mas’uuliyiinta Wadankaas oo la daalaa dhacaya bad baadinta Mashaqadaas ka dhacday Dalka Indonesia ayaa Codsaday gar gaar Caalami ah si wax looga qabto mushkiladdan sababtay in ay geeriyoodaan dad aad u farabadan

Madaxweynaha Joko Widodo ayaa albaabka u furay hay’adaha caalamiga ah ee gargaarka ah iyo NGO-yada si ay u bixiyaan gargaar islamarkaana ay u bad baadiyaan dad ka halista ugu jirta qattarta .

“Habeen hore Madaxweyne Jokowi ayaa noo ogolaaday in aan soo dhaweyno ama aan aan aqbalno hay’adaha gargaarka bixiya” ,sidaas waxaa barta Twitterkiisa ku soo qoray Sargaal sare oo ka tirsan Dowladda oo la yiraahdo Tom Lembong,wuxuuna sheegay in Samafalayaasha ay la soo xiriiri karaan Emailkiisa.

Saraakiisha ayaa ka cabsi qaba in Dhulgariirkii isdaba-joogga ah uu sii kordhi doono maalmaha soo socda oo ay isku diyaarinayaan kuwa ugu xun.

Khasaaraha ka dhashay hirarkii Tsunamiga ee Jimcihii lasoo dhaafay ku dhuftay jasiirada Sulawesi ee ku taal bartamaha wadanka Indonesia.

Tirada dhimashada ee illaa iyo hada la xaqiijiyey ayaa ku dhaw kun ruux, balse waxaa la filayaa in tiradaasi ay sii kororto iyadoo in badan oo kamid ah deegaanada uu burburka soo gaaray aan weli la gaarsiin gurmadka deg deg ah.

Ciidamada gurmadka ayaa wajahaya caqabooyin badan maadaama ay burbureen wadooyinka iyo buundooyinka isku xir jiray jasiirada deegaanka ay musiibada ka dhacday.

Dad badan ayaa la rumeysan yahay inay weli ku xaniban yihiin guryaha uu burburiyey dhulgariirka sababta u ahaa Tsunamiga oo lagu qiyaasay cabirkiisa 7.5.

Madaxweynaha Indonesia Joko Widodo ayaa Axadii shalay gaaray jasiirada Sulawesi si uu u kormeero khasaaraha, wuxuuna booqday magaalada Palu oo ah magaalada ugu weyn jasiiradaasi kana mid ah goobaha ay qaadeen hirarkii Tsunamiga.

Baaxada burburka ka dhashay Tsunamiga ayaa ah kii weynaa tan iyo sanadkii 2004, xiligaasi dhulgariir awoodiisa ahayd 9.1 uu keenay hirarka biyaha badda Tsunamiga oo gaaray wadamo badan illaa iyo xeebaha bariga dalka Soomaaliya oo ay khasaaro kasoo gaareen.

LEAVE A REPLY