SHARE

Toddobo askari oo ka tirsan laamaha sharci fulinta ee dalka Maraykanka ayaa la toogtay, mid ka mid ah ayaana aad u dhaawacmay, arrintaasi waxay ka dhacay South Carolina, sida ay masuuliyiin sheegeen.

Booliiska magaalada Florence ayaa ka jawaabayay codsi caawimaad ah oo laga soo dalbaday.

Nin hubaysan oo carruur afduubtay ayay askarta is hor fadhiyeen labo saacadood, ka hor intii uusan is dhiibin een loo qaadin isbitaal.

Magaciisa lama shaacinin, lamana oga ujeedadiisa.

Madaxweyne Donald Trump ayaa Twitterka ku soo qoray toogashadaas, isaga oo soo xiganaya badhasaabka South Carolina Henry McMaster.

LEAVE A REPLY